Haweeney Booliska Somalia, ka tirsaneyd oo Xalay lagu dilay Muqdisho ?

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Xalay Haweeney waxa ay ku dileen Xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.
Goob Joogayaal la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Haweeneyda la dilay oo lagu Magacaabi jiray Kaaho Jaamac ay ka tirsaneed Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Waxaana la dilay xilli Mehrad Ganacsi oo ku taalla Xaafadaasi Seybiyaano ay ka dukaameysaneysay iyadoo Dableydii ka dambeysay dilkaas meesha wax ka dhaceen isaga baxsadeen.
Ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda dilkaas balse Al Shabaab ayaa horay dusha ugu ritay dilal ka dhan ahaa Ciidamada shaqaalaha dowladda Soomaaliya.
Dhinacooda ma jiro wax war ah oo Maamulka iyo Saraakiisha Ammaanka degmada Hodan ay ka soo saareen falkaas.