Aqirso Magacyada DF oo is bedel ku sameysay Safiirada illaa 8 dal?

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa is bedel ku sameeyay Safiirada illaa 8 dal oo bishii hore loogu yeeray inay dalka ku yimaadaan muddo 30 cisho ah, si isbedel loogu sameeyo.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah is bedelo la doonayo in lagu sameeyo Safiiro muddo xil heyntooda ay dheeraatay, waxaana wajiga hore la bedelay illaa 8 Safiir oo kala ah, Jabuuti, China, Uganda, Sudan, Kuwait, Qatar, Abu Dhabi iyo Zambia.
8 Safiir ayaa lagu bedelay illaa 8 Diblomaasi oo si hayeyaal ah oo midkood uu yahay Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo si KMG u heyn doona xilka Safaaradda Soomaaliya ee Lusaka Zambia.
Waxaa sidoo kale Safaaradaha China, Jabuuti, Abu Dhabi, Kuwait, Qatar iyo Uganda Sii hayeyaal ka noqda Diblomaasiyiintii hayay xilalka La Taliyaha Koowaad, taas oo ka dhigan in loo eegay habka kala sareynta Diblomaasiyadda.
Sidoo kale ilo wareedyo Muhiima ayaa sheegaya in is bedelka wajigiisa labaad uu saameyn doono Safiiro Badan oo  Soomaaliya u fadhiya Dalal Badan.
Hadaba  halkaan ka arag mid ka mid ah warqada lagu bedelay  ‘ Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Jabuuti Mr C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade), waxaana lagu bedelay oo Sii haye laga dhigay C/raxmaan Maxamed Hiraabe.
Warqadoska
Warqadoska

Warqados11
Warqados11