Xiisad Colaadeed Oo U Dhaxeysa Galmudug Iyo Puntland Oo Kasoo Ifbaxeysa Gobolka Mudug

Laba maleyshiyo beeleed oo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntaland ayaa qarka u saaran in markale uu dagaal sokeeye ka dhex bilawdo, kaddib markii ay mid kasta oo kamid ah labada dhinac heleen hub xad dhaaf ah.

Lama oga halka rasmiga ah ay kasoo galeen hubka, ha yeeshee waxaa cabsi badan laga qabaa in markale uu dagaal adag ka dhex qarxo.

Qaybo kamid ah gobolka Mudug ayuu horey uga dhacay dagaallo sokeeyo oo u dhaxeeya Galmudug iyo Puntaland, kuwaas oo ay dad badan ku waxyeeloobeen.

Si kastaba ha ahaatee qaylo dhaan badan ayaa soo yeeraysa taas oo ah in la joojiyo xiisadda colaadeed ee kasoo cusboonaaneysa gobolka Mudug.