Waa Maxay Ujeeddooyinka Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyrre Ee Dalka Turkiga?

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa ku wajahan dalka Turkiga halkaas oo uu ku aadayo safar horaan u baaqday.

Kheyrre iyo wefdi ka kooban golaha wasiirrada iyo qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal ayaa u raacaya Turkiga, halkaas oo uu kula kulmayo ra’iisul wasaaraha dalkaas iyo madaxda ugu sarreysa.

Salaan uu ka wado madaxwaynihiisa ayuu guddoonsiin doonaa dhiggiisa Turkiga sidoo kale waxyaabaha ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha lagu micneeyay waxaa kamid ah in uu xoojiyo xiriirka labada dal oo aad u wanaagsan dhawaantan.

Waa fursad uu kheyrre kula kulmi karo qaar kamid ah dadkii dhaawacyada ahaa ee Turkiga loo qaaday, kuwaas oo kusoo waxyeeloobay dhacdadii Zoobbe ee bartamaha bishan.

Safarkan ayaa lagu micneeyay in uu yahay mid gun dhig u ah xiriirka udubyada adag ku taagan ee u dhaxeeya labada dal.