Sawirro: Dab Khasaaro Dhaliyay Oo Xalay Ka Kacay Magaalada Boosaaso?

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in uu dab ka kacay Kaalin Shidaal oo ku taalla Mid ka mid ah Xaafadaha Magaaladaasi Boosaaso habeenkii xalay ahaay.
Debkaan oo aan weli la ogeyn waxyaabaha sababay ayaa qabsaday Kaalin shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla Xaafada lagu Magacaabo New Boosaaso gaar ahaan laanta Afar-Irdoodka.
Waxaa la sheegay in debka uu markii hore ka bilaawday Kaalin Magaceeda loo soo gaabiyay CCC,isla markaana khasaaro hantiyeed uu geestay.
Debka oo sidoo kale  ku sii faafay meelo hor leh  ayaa markii danbe helay  gurmaday kala duwan oo ay wadeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada Boosaaso ee Puntland.
Sidoo kale Shacabka  jku dhaqan  halkaasi  ayaa iyana dhankooda waxa ay qeyb ka aheyn deminta debkaas  qasaaraha geestay ee Xalay  Boosaaso  ka kacay.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Debka
Dab5
Dab5
Dab
Dab
Dab1
Dab1
Dab2
Dab2
Dab3
Dab3
Dab4
Dab4