RW Khayre oo Maanta ka duulaya Muqdisho Halke ku wajahan yahay Ogoow?

 Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali khayre ayaa maanta waxaa lagu wadaa in uu ka duulo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadee), isaga oo ku sii jeeda magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Khayre Maanta uu u duuli doono Turkiga, isaga oo halkaasi kula soo kulmaya Madaxda dalkaas ugu sareysa sida Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Binali Yildirim.
Khayre ayaa Madaxda Turkiga wuxuu kala hadli doonaa sida uu qorshaha yahay xiriira labada wadan, oo ay ka mid yihiin arrimaha dhaqaalaha, taageerada Soomaaliya ee Turkiga, iyo waxyaabo kale.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa inta uu ku sugan yahay Turkiga wuxuu booqan doonaa dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe ee la geeyay dalkaasi, isaga oo sidoo kale kulan la soo qaadan doona Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga.
Xasan Cali khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorshihiisa wuxuu ahaa in Axadii ina dhaaftay oo 15-kii bishan ay ku beegneyd uu aado Turkiga, balse wuxuu u baaqday Musiibadii ka dhacday Zoobe maalinkii Sabidii.