Madaxweyne Gaas oo Mowqif ka qaatay ka qeyb galka Shirka Madaxda DF iyo kuwa Dowlad Goboleedyada?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxda Dowlad goboleedyada ka dalbaday Shir ay isugu yimaadaan oo 28-ka bishaan ka dhaco Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas oo dhanka kale ah Gudoomiyaha Madashada Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Kismaayo lagu dhisay ayaa sheegay in ay ka qeyb gali doonaan shirkaasi.
Waxa uu Ku baaqay in la xoojiyo Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, Wada shaqeyn dhaw ay wada yeeshaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayuu ku sheegay in ay Meesha ka saari karto khilaaf Siyaasadeedka u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.
Gudoomiyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayuu kahor sheegay in Baarlamaanka Federaalka iyo Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada iyane looga baahan yahay in ay wada shaqeyn Sameeyaan, si ay u yaraato Xasaradda Dowladda iyo Maamul Goboleedyada.