Madaxweyne Farmaajo oo dalka ku soo laabtay ayaa sheegay in uu dalku dagaal galayo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib saddex cisho oo uu booqasho ku joogay dalalka deriska la ah Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegay in waddamada deriska ah uu kala soo hadlay sidii Ciidamada xoogga dalka ay uga gacansiin lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabab ee ay dowladda qorsheysay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Qaraxii dhawaan ka dhacay Muqdisho ee ay ku dhinteen dadka ka badan 300 Qof uu muujinayo sida Al-shabaab ula dagaallamayaan shacabka Soomaaliyeed.
Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in dhamaan waddamada uu madaxdooda la soo kulmay ay isku afgarteen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Waxaa uu booqashadiisa Axaddii la soo dhaafay ka billaabay Dalka Uganda isaga oo la kulmay dhiggiisa Uganda,sidoo kale waxaa uu booqday Dalka Itoobiya isaga oo booqashadiisa saddexda cisho ahayd ku soo gaba gabeeyay Dalka Jabuuti oo uu maanta ka soo baxay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan  ku dhawaaqday in ay galeyso dagaal ka dhan ah Al-shabab,iyada oo sidoo kale kaashaneysa waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.