Ma Dhabbaa In Xaaf Uu Diiday Baaq Maxkamadda Sare Oo Maanta Wakhtigeedu Ku Ekaa?

Maanata ayeey ku egtahay markii ay maxkamadda sare ee dalka ay u yeertay madaxwayne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, kaas oo loo heysto dacwad uu kasoo gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas Cali Gacal Caseyr.

Sidoo kale Xareed Cali Xareed guddoomiye kuxigeenka koobaad ee baarlamaanka ayaa lagu eedeeyay in uu ku lahaa fal dembiyeedyo lagu handaday guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas iyo madaxwayne kuxigeenkiisa.

Warqadda ay soo dirtay maxkamadda  ayaa loogu yeeray Xaaf in uu hor yimaado, si uu uga falceliyo eedeeynta loosoo jeediyay, ha yeeshee ma muuqato in uu hor tagayo maxkamadda.

Si kastaba ha ahaatee Xaaf ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa hajabaad dheeri ah uu u jeediyay qaar kamid ah mas’uuliyiinta Galmudug ee siyaasad ahaanta kasoo horjeestay.