Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne oo xirmay Iyo Sababta oo la Ogaaday?

Garoonka Diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan (Ugaas Khaliif) ayaa shalay shaqooyinkiisa ay hakad galeen, kadib markii ay fariisteen biyihii ka dhashay Roobab ka Da’ay Magaalada.
In Garoonka Diyaaradaha magaalada Beledweyne uu xirmo ayaa waxaa sabab u ah dib u dhis aan lagu sameyn Garoonka oo mudo badan aan la dayactirin iyo wadooyinka soo gala Garoonka oo ay xireen biyo.
Maxamed Cabdi oo ah Isku duwaha Waaxda shaqada iyo shaqaalaha Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu sheegay in shalay uusan shaqeyn Garoonka, sidoo kalena ay xiran yihiin xafiisyadii Diyaaradaha ee magaalada.
“Arintan dhowr jeer ayay soo laa laabatay, cid u maqan oo shaqadan wax ka qabaneysa malahan, Hay’adaha Caalamiga ah iyo shacabka reer Hiiraan waxaan ugu baaqayaa in arrintan ay u midoobaan oo wax laga qabto.” Ayuu yiri Maxamed Cabdi.
Inta badan marka la gaaro xilli Roobaadka ayaa Diyaaradaha ku sii jeeda Magaalada Beledweyne waxa ay ku degaan Garoonka Diyaaradaha magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.