Garoonka Diyaaradaha Baladwayne Oo Biya Dageen Isku Baddalay

MArarka qaar waxa aad maqashaa war kaa qosol siiya ama si uun aad ula yaabto, haddii aad maqli lahayd garoon dhan oo biyo dageen noqday maxaa kugu soo dhici lahaa? haddaba garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladwayne ee maamulka Hirshabeelle ayaa gebi ahaan laga joojiyay shaqooyinkiisa kaddib markii uu garoonka biya dhaafiyay daadadka biyaha roobabka magaalada ka curtay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xafiisyadii iyo dhabbihii ay ay diyaardaha ku carari jireen dhammaan ay buuxiyeen biyo islamarkaana aysan suurta gal u ahayn in uu shaqeeyo garoonka maalmaha soo aaddan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa ku eedeeyay dawladda dhexe in dhammaan ay isku ekeysay magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in ay baahi badan u qabaan hormarrinta iyo sara uqaadidda imkaaniyaadka muhiimka u ah magaaladaas sida dayactirka garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.