DEG DEG:- AMISOM Oo Dad Shacab Ah Ku Leysay Duleedka Magaalada Muqdisho

Warar hadda naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho waxa ay sheegayaan in gaari ay wateen kolonyo ciidanka nabad ilaalinta AMISOM lagula eegtay qarax nooca waddada dhinaceeda ah lagu aasay.

Kaddib qarax, ciidanka AMISOM ayaa rasaas hubiyay dhammaan dadkii goobta, joogay, waxaana ay sheegayaan warar aynu helayno in ku dhawaad 16 qofood ay ku geeriyoodeen halka 18-kalana ay ku dhaawacmeen rasaasraas AMISOM ay furtay kaddib weerarka.

Deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho ayuu weerarkan ka dhacay, waxaana goobta ka ag dhawaa dad reyid ah oo guryo cooshada kasameysan dagnaa iyo qaar kamid ah dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa baabuurta Muqdisho iyo Afgooye isu kala goosha.

Wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa.