Is Af garad- Dhex Maray Al shabaab Iyo Gudoomiyaha Cusub ee Balcad Xog Muhiima oo laga helaayo?

Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, Qaasim Furdug oo dhawaan Xilka si rasmiya ula wareegay ayaa waxaa,  deegano hoostaga degmadaasi laga  soo sheegaya in aay durba isaga guureen Al shabaabkii  ku sugnaa halkaasi.
Duleedka degmada Balcad gaar’ ahaan tuulooyinka isku  Xira Jowhar iyo Balcad, waxaa ku dagaalamay  marar  badan Ciidamada dowladda iyo kuwa  Kooxda Al-Shabaab kuwaasi oo fadhiisan, jiray wadooyinka inta badan balse warar ‘ka duwan  ayaa laga soo sheegaya xiligaan  ka dib markii halkaasi isaga guureen Maleeshiyaadka Al shabaab ee dhibaatada ku haay jiray dadka mara wadadaasi.
ilo wareedyo Muhiima ayaa Shaaciye.com u sheegay in Al shabaab iyo gudoomiyahii Hore Degmada Balcad Cismaan Xaadoole isku maan dhaafeen dhaqaalo aay waydiisteen kooxdaasi  iyo in canshuurta Degmadaasi laga qaado, wax laga siiyo balse  uu ka biyo diiday Gudoomiyahii hore Degmadaasi Xaadoole.
Al shabaab ayaa la sheegay in  Cismaan Xaadoole Gudoomiyahii Xilka haatan laga qaaday’  midkii  ka horeeyay  Saneey ‘u siin jiray Al shabaab,  lacago uu ugu tala galay’ iyagana ,aay nabad geli jireen dadka wadooyinkaasi, isticmaala ,balse  sidii Xaadoole ula wareegay Degmada Balcad amaankii Deeganada hoostaga Degmada Balcad  uu faraha ka baxay ,maadama u diiday in dhaqaalahii’ aay ku barteen Degmada Balcad, u diiday in uu siiyo taaso keentay fashil amni iyo in la mari waayo wadadda isku xirta Jowhar, iyo Balcad’ oo horey u aheyd mid nabadgelyo ah.
Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Balcad , Qaasim Furdug oo horey’ ugu mid noqday Kooxdii loo yaqaanay Muqaawanadda’ oo markii danbe isku badashay Kooxda Al Shabaab  lugtiisana ku waayay ‘ayaa,  lagu soo waramaya, in haatan uu is afgarad  dhex maray Maleeshiyaadkii Al -shabaab’ ee halkaasi degannaa , sidaasna  -aay ugu guureen deeganadii aay horey u maamuli jireen.
Tirada  Maleeshiyaadka Al shabaab ee isaga guurey, duleedka Degmada  Balcad, ee Gobalka Shabeellaha dhexe, ayaa la soo sheegaya in aay gaarayaan 800 boqol   iyaga u jiheestay deegano kale Maalmo uun ka dib  Markii uu Xilka la wareegay Gudoomiye Qaasim Furdug.