DEG DEG:- Qarax xooggan Oo Khasaarro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Warar hadda naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxa ay sheegayaan in laba qarax oo mataanno ah ay ka dhaceen agagaarka Hoteelka caanka ah ee Bootaan, oo ku aaddan afaafka hore ee saldhigga bartamaha ee magaaladaas.

Weriyaha magaalada kaga soo warama Universal Tv Libaan Cajiib Xaaji ayaa bartiisa facebook ga kusoo qoray war deg deg ah oo kusaabsan qaraxaas.
Sida warar kale oo aynu helayno ay sheegayaan, qaraxa ayaa geystay qasaarro nafeed iyo mid maaliyadeed.
Qaraxa koobaad ayaa ka dhacay albaabka hore ee saldhigga waxaana xigay qarax kale oo xajmigiisu aad u wayn yahay oo isla lala eegtay isla goobtii kan hore uu ka dhacay.
Wixii warar ha ee kusoo kordha dib ayaan idin kala soo socodsiineynaa.