Ciidan aay kala Wateen Gudoomiyaha Yaaqshiid iyo Taliyaha Degmada Oo Isku Rasaaseeyay Xarunta Degmada?

Xalay oo Taarikhda aheyd October 23, 2017 Xarunta degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir waxaa’ isku Rasaaseeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda, Fedaraalka Somalia, kadib markii ay murmeen guddoomiyaha iyo taliyaha Nabad Sugida degmagaasi.

Ugu yaraan 3 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda ayaa ku dhintay israsaaseyntaasi, iyadoo ay ku dhaawacmeen 2 kale sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Waxaana la soo sheegayaa in xaalada degmada ay tahay mid kacsan, islamarkaana weli xiisad ay kaa taagan tahay halkaasi maadama Dagaal ka dhacay halkaasi.

Ma jiro weli cid ka hadashay iska hor imaadkaasi, balse waxaa goobta gaaray saraakiil ka tirsan dowladda, Dowladda Fedaraalka Somalia, si ay uga hortagaan xiisadaasi.

Maamulka 660x430
Maamulka 660×430