Waa Maxay Qaladka Ay Dowladda Gashay Oo Kalsoonida Ciidanka Militeriga Ay Ku Wayn Karto?

Warqad kasoo baxday wasiirka wasaarradda arrimaha DIBADDA Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa lagu dhaleeceeyay weerar ka dhacay daka Masar kaas oo lagu laayay ciidan badan oo katirsan militeriga dalkaas.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa aamminsan in ay ahayd ceeb iyo qalad wayn ay ku dhacday xukuumadda, maadaama fal lamid ah kan uu ka dhacay deegaanka Barirre ee gobolka Shabeellaha Hoose Koonfurta Soomaaliya, ha yeeshee dawladda wax hadal ah kama odhan, oo cambaarreyn la eg.

Tan ayaa ka dhigeysa in dowladda aysan wax dareen ah u heyn ciidankeeda, baddalkana ay ka damqaneyso falalka ka dhaca dibadda.

SI kasta ah ahaatee taliyihii ciidanka xoogga dalka Mudane Cirfiid ayaa booqday deegaanka BAriirre halkaas oo ay Alshabaab ku laayeen tiro ciidanka xoogga dalka kamid ah, ha yeeshee aan helin weli caddaalad iyo cambaarreyn xitaa afka baarkiis ku simman.

Talaabooyinka noocan oo kale waa waxyaabaha ugu waa wayn ee ay dowladda kalsoonida dadka ku weyneyso, sidaa darteeda khubarrada ayaa usoo jeediyay in haddii la doonayo in la dhiiro geliyo ciidanka Alshabaabna laga adkaado ay waajib tahay garab istaagga iyo niyad dhiska ciidanka qalabka Sida ee Soomaaliya.