Shariif Xasan Oo Digniin Culus Usoo Jeediyay AMISOM Iyo Ciidanka! (Ma Afgembi Buu Ka Baqayaa) Xog Muhiim Ah

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa digniin culus u diray taliyayaasha ciidanka militeriga wuxuuna u sheegay in ay isku diyaariyaan howl gal lagu soo afjarayo kooxda Khawaarijta Alshabaab.

Dhawaan ayeey ahayd markii madaxda ugu sarreysay ee DFS ay ku dhawaaqeen howl gal dhimasho iyo guul ah kaas oo lagu qaadayo Shabaab.

Kaddib weerarkii Zoobbe oo ay dad badan ku waxyeeloobeen, ciidanka dowladda ayaa la geliyay heegan buuxa, qaarkood durba ayaa diyaarado lagu kaxeyn bilaabay, halka kuwa kalena ay weli u agab xiranayaan sidii ay ku wajihi lahaayeen kooxda Dhiigyo cabka ah ee Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee shariif ayaa shir deg deg ah oo aan horey loo qorsheyn la qaatay madaxda ciidanka iyo kuwa AMISOM, waxaana dagaalka la iclaamiyay laga bilaabi doonaa deegaannada maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose oo Keyn shabaab galeen ah noqotay.