Maxay Ku Saabsaneyd Khudbaddii Ra’iisul Wasaare Kheyrre; Min Bilow Illaa Dhammaad

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa khudbad qiiro iyo qammoonyo wadatay ka jeediyay munaasabaddii caleema saarka madaxwayne Maxamed Cabdi Waare oo maanta ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.

Kheyrre ayaa u hambalyeeyay Waare oo uu sheegay in uu yahay qof wanaagsan oo u qalma xilkaas, sidoo kale wuxuu bogaadiyay  dadka deegaanka Jowhar oo uu sheegay in ay yihiin nabadda jecel, wuxuuna soo qaatay xikmad hore oo ahayd “Adduunyo Jowhar ka joog, Aakhirrana Janno” waxaa xigay khudbaddii Kheyrre in uu madaxda meesha joogtay xusuusiyo dhacdadii Zoobbe ee ay muslimiin badan ku dhinteen.

Khudbaddiisa waxaa kamid ahaa in gacmaha la isqabsado oo midnimada la qaato baddalka intii tafaraarruq iyo kala jabnaan la ahaan lahaa.

In uu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxda Federaalka iyo dowladda ayuu carabka ku adkeeyay Ra’iisul wasaaraha, balse wuxuu ka codsaday in lagu iloobo dhacdadii musiibada ahayd ee Zoobbe, wuuna sheegay in ay hadda tahay wakhtigii gacmaha la isqabsan lahaa oo ay dowladda ka shaqeyn lahayd midnimada iyo xoojinta goboleysiga dalka uu qaatay.

Khudbadda ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Soomaaliya ayaa  qaban qaabineyso shir qaran oo 28-ka bishan ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaas oo duluucdiisu tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dowladda dhexe iyo dowladaha qaybta ka ah.