Maxaad kala socotaa Madaxda ka qeyb galeysa Caleemo Saarka Madaxweynaha Hir-Shabeelle?

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa Maanta ka dhaceysa Xaflad lagu Caleemo Saarayo Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Amaanka Guud ee Magaalada Jowhar ayaa Maanta la adkeeyey, waxaana Xaafadaha iyo Wadooyinka lagu arkayaa Ciidamada Amaanka oo Baaritaano ku sameynaya Dadka iyo Gaadiidka.
Hay’adaha Amaanka ayaa sheegay in howshaan ay ugu tala Galeen in Amaanka ay ku sugaan Maadaama Maanta  ay Magaalada Jowhar ay Gaarayaan Madax ka qeyb galeysa Xafladda lagu Caleemo Saarayo Madaxweyne Waare.
Xubno katirsan Guddiga qaban-qaabada Xafladda Caleemo Saarka Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa Warbaahinta u Sheegay in Xafladaasi ay ka qeyb galayaan Mas’uuliyiin ka kala socota Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.
Dhanka Dowladda waxay Wararku Sheegayaan in uu ka qeyb galayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana guddiga u diiwaan gashanaa Madaxweyne Farmaajo balse shalay  dalka ugu amba baxay Safar 4-Ceshe ah.
Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayee wararku sheegayaan in ay Xaadirayaan Goobta lagu Caleemo Saarayo Madaxweyne Waare.
Wufuud ka kala socota Qaramada Midoobe, Urur Goboleedka IGAD, Safiiro ka kala socda Safaaradaha dalka ka furan iyo Xubno kale oo lagu martiqaaday Xafladda ayee wararku sheegayaan in ay ka qeyb galayaan.
Mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa Xafladda waxaa iyane la sheegayaa in ay ku jiraan Senotaro iyo Xildhibaano laga soo doortay Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.