Degmo ka mid ah Muqdisho oo 39 Qof ku weysay Qaraxii Zoope?

Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda tirro koobka dadkii ku dhamaaday Qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe oo ay ka danbeysay maleeshiyaadka Alshabaab.
Tira koobka weli socda ayaa waxaa wada Degmooyinka Gobolka Banaadir oo tirro koobaaya dadka uga dhintay Qaraxa oo ahaa mid saameyn ballaaran geystay.
Guud ahaan dadka ku dhintay Qaraxa ayaa la sheegay inay yihiin in ka badan 358 qof, halka ay ku dhaawacmeen 228 ruux.
Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay Qaraxa ayaa u badnaa dad danyar ah, oo raadsanayay nolol maalmeedkooda ay ku maareeyaan qoysaskooda.
Maxamed Ismaaciil C/laahi oo ah Guddoomiyaha degmada degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, ayaa sheegay in Qaraxaasi ay uga dhinteen dad shacab ah oo kasoo jeeday Degmadiisa oo xiligaa ku sugnaa Isgooyska Zoobe.
Guddoomiyaha Degmada Kaxda waxa uu tilmaamay in 39 kamid ah dadkii ku dhintay Qaraxii Zoobe ay deegaan ahaan kasoo jeeden Degmada Kaxda.
Waxa uu sheegay in 14 kamid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxa ay ahaayen kuwo kasoo jeeda Degmadiisa, waxa uuna Guddoomiyuhu cadeeyay in dhammaan dadkaasi ay ahaayen kuwo halkaa u raadsaday nolol maalmeedkooda.
Dadka Degmada uga dhintay Qaraxa iyo kuwa ka dhaawacmay ayuu sheegay in gabi ahaantooda ay ahaayen dad shacab ah oo ku noolaa xaalada liidata oo dhanka nolosha ah.
Dhinaca kale, dowlada Federaalka ayuu ugu baaqay inay il gaara ku eegto dadka danyarta ah ee looga dhamaaday Qaraxa.