DEG DEG:- Madaxwayne Farmaajo Oo Ka Dagay Adis Ababa

madaxwaynaha Soomaaliya maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada Adis Ababa ee xarunta dawladda Ethiopia.

Safar qaadanaya maalmo ayuu madaxwaynaha ku joogay qaar kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo ay kamid yihiin Uganda, Itoobiya iyo waddamo kale oo gobolka ah.

Si kastaba ha ahaatee Farmaajo oo shalay magaalada Kampala kula kulmay dhiggiisa Uganda Musaveni ayaa sheegay in ay kawada hadleen xaaladda Soomaaliya ay hadda kujirto iyo sidii qayb ay Uganda qayb kaga noqon lahayd tirtirridda kooxda Khawaarijta Alshabaab oo xasuuq ka geysatay todobaadkii hore magaalada muqdisho.

Sidoo kale safarka Madaxwaynaha ayaa qaadanaya laba maalin oo soo aaddan, waxaase la filayaa in uu isla dabayaaqada bishan kusoo noqdo magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.

Marka uu dib usoo noqdo madaxwayne Farmaajo ayaa ka qayb noqonaya shirka midnimada qaran ee loo qabanayo dowladda dhexe iyo maamullada kumideysan dowlad goboleedyada dalka.