Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Oo Dhaawacay Ku Xigeenkiisa

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Maamulka Puntland C/qaadir Shire Faarax ayaa rasaas uu riday ku dhaawacay ku xigeenkiisa Bile C/raxmaan, kaddib muran ka dhashay shir xalay laamaha ammaanka ay ku lahaayeen Magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Booliska iyo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne uu dhex maray muran, taas oo keentay in Taliyaha Booliska uu rasaas furo..

Goobta uu falkan ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha la dagaalanka Argagixisada iyo saraakiil kale oo xilliga muranka iyo rasaasta dhaceysa ay shir lahaayeen.

Bile C/raxmaan Taliye ku xigeenka Booliska ee Puntland ayaa waxaa uu dhaawac ka soo gaaray dhanka lugta, waxaana lagu daaweynayaa mid ka mid ah Isbitaallada ku yaalla Garoowe.

Arrintan ayaa aad looga hadal hayaa Garoowe, waxaana ay dhalisay xiisad, inkastoo Mas’uuliyiinta Puntland ay arrinta soo galeen, si loo xaliyo.

Bartamihii sanadkii hore ayay aheyd markii sidan oo kale muran dhex maray Taliyihii hore Booliska Puntland iyo Taliyihii birmadka is rasaaseyn dhex martay ciidamo ay kala wateegn uu ku dhaawacmay Wasiirkii hore ee Amniga Puntland Cabdi Cali Xirsi Qarjab, iyadoo sidoo kale dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay labada ciidan.

Xigasho:- Radio Shabeelle Muqdisho