Madaxwaynaha dalka Zimbabwe Roberto Mugabe oo kamid ah dadka ugu hadalheynta badan caalamka ayaa loo doortay denjire barnaamijka caafimaadka adduunka ee WHO u qaabbilsan dalkiisa.
Mareykan ka ayaa Mugabe iyo dawladdii wax badan ku cadaadiyay in ay xurmeeyaan xuquuqda Banii Aadamka, maadaama lagu tuhmay in dalkiisa ay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan oo u badan dhanka is jinsi faquuqidda iyo waxa lamidka ah.
Agaasimaha barnaamijka Caafimaadka adduunka mudane Tedros Ghebreyesus oo ka hadlayay shirkii todobaadkan ay ku lahaayeen waddanka Uruguay ayaa u magacaabay Mugabe danjire.
Marwada afhayeenka u ah WHO ayaa xaqiijisay warkan fiidnimadii Jimcaha ahayd xilli ay u warameysa AP, waxaana ay sheegta in uu yahay tusaalle wanaagsan Robert maadaama uu door muhiim ah ka qaadanayo siyaasadda caalamka xilli da’diisa ay qarni qarka u saaran tahay.