Madaxwayne Farmaajo Oo Gogol Nabadeed U Fidiyay Madaxda Dowlad Goboleedyada

Madaxwaynaha Soomaaliya MAxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa casuummaad u fidiyay dhammaan madaxda ku mideysan maamul goboleedyada dalka, si ay kaga qayb galaan shir wayne qaran oo lagu madalsan yahay in uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

28-ka bishan October ayaa loo asteeyay in Muqdisho lagu qabto shirwayne, kaas oo duluucdiisu tahay sidii la iskaga kaashan lahaa midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo waxka qabashada musiibadii dhawaan ka dhacday magaalada Muqdisho.

Waxaa jiray xurguf hoose oo u dhaxeeysay dawladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo isku khilaafay doorka ay dowladda ka istaageyso arrinta khilaafkii khaliijka.

Si kastaba ha ahaatee waa shirkii ugu horreeyay ee ay dawladda la yeelato maamul goboleedyada, tan iyo markii ay soo ifbaxday khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.