Dowladda Soomaaliya Oo Diyaarado Ku Daabbuleysa Ciidankii Ugu Horreeyay Ee Ka Qayb Noqonaya Ololaha Sifeynta Alshabaab

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan dawladda Soomaaliya ayaa diyaarado lagu daabbulayaa kuwaas oo qayb ka ah dagaal dhawaan ay iclaamiyeen labada mas’uul ee dalka ugu sarreysa kaddib weerarkii Zoobbe.

Dowladda ayaa bilawday daabbulaadda ciidanka, waxaana xoogga lasaari doonaa dhanka gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku badan yihiin sidoo kalena saammeyn mugleh ay ku leeyihiin.

Ciidamada la qaadayo ayaa ah kuwa militeriga iyo kuwa kale oo si gaar ah u tababarran, sidaa darteeda waxaa dhawaan bilaabanaya ololaha dagaalka ah ee u dhaxeeya dowladda iyo shabaab kaas oo lagu ciribtirayo kooxda xagjiriinta ah ee Alshabaab.