DEG DEG:- Gaari Hoomey Ay Shacab Saarnaayeen Oo Miino Kula Kacday Degmada Balcad

wararka hadda naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe waxa ay sheegayaan in ay miinno la kacday gaari reyid ah oo mareyay meel u dhaw degmada Balcad ee gobolkaas.

GAariga la qarxiyay ayaa lagu sheegay in uu ahaa nooca ay Soomaalidu u taqaano Hoomey-da, kaas oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

Wararka aan helayno waxa ay sidoo kale sheegayaan in gaariga ay la kacday miino lagu aasay waddada dhinaceeda, lama oga in bartilmaameedka uu ahaa gaariga reyidka ah iyo inkale.

Shan qofood ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxaas, halka dhaawacyadana ay tiro intaas ka badan tahay.

SI kastaba ha ahaatee ma jirto cid sheegatay qaraxan, hasa yeeshee waxaa la rumeysan yahay in ay Shabaab kadambeeyeen lagana yaabo in miinadaas loogu diyaariyay kolonyo ciidanka Dawladda oo inta badan isticmaala waddadaas.