“Wuqooyiga Kuuriya Waxa Ay Qarka U Saaran Tahay In Ay Mareykan ka Ku Dhufato Nuclear”

Agaasimaha hay’ada sirdoonka Mareykanka ee CIA Mike Pompeo ayaa sheegay in dalka Wuqooyiga Kooriya ay qarka u saaran tahay in ay weerar ku qaaddo Mareykan ka, wuxuuna sheegay in ay yihiin Kheyrrul Masuul aan lagu aaminin karin hub sida nukliyeer ah.

Agaasimaha ayaa sheegay in ay ka baqayaan in Kooriyaanka ay Nukliyeer kusoo ridaan Mareykan ka, taasna ay tahay waxa ugu wayn ee ay ka baqayaan.

Dawladda Mareykan ka ayaa horaan cunaqabateenno kala duwan u saartay Kuuriyadda Wuqooyi, kaas oo ahaa in cadaadis lagu saaro joojinta hormarrinta hubka wax gumaada ee Nukliyeerka kaas oo dunida galbeedka ay walaac ka muujiyeen.

Si kasta ha ahaatee dhawr jeer oo horey ayeey Kuuriyaanku usameeyeen tijaabooyin gantaallo riddo dheer taas oo keentay in ay dhibaato u arkaan waddamada gobolka iyo kuwa kale ee reer Galbeedka.