Waa Maxay Sababta Aad Layaabi Doontid Ee Uu Madaxwayne Farmaajo U Baajiyay Khudbaddii Uu Ka Hor Jeedin Lahaa Xildhibaannada Labada Aqal?

Madaxwayne Farmaajo ayaa baajiyay khudbaddii uu maanta kahor jeedin lahaa labada aqal ee baarlamaanka sababo cajiib ah awgeed.

Madaxwaynaha ayaa kusoo aaddiyay khudbaddiisa xilli ay ku beegan tahay 21-ka October, markaas oo ku beegan xilligii dawladdii Maxamed Siyaad ay xukunka ka marooqsatay dawladdii shacabka.

Xildhibaannada qaar ayaa tuhunsanaa in madaxwaynaha uu maalinkan ugu aaddiyo si uu u ammaano Maxamed Siyaad oo ay dadka qaar u arkaan in uu ahaa keligii Taliye aan turin.

Si kastaba ha ahaatee waxaa mar marsiiyo siyaasadeed looga dhigay kulankiisa in ay weli dalka taallo tacsiyadii qaran ee dhacdadii isgooyska Zoobbe ee magaalada Muqdisho.