Mid Kamid Ah Xildhibaannada Ugu Caansan Oo Geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Jabbuuti ee xarunta Dalka Jabbuuti ku geeriyooday Xildhibaan Xassan Cawaale Ceynaan oo kamid ahaa golaha guurtimada maamulka Sooomaaliland.

Xildhibaanka ayaa beryihii lasoo dhaafay xaalad caafimaad u joogay halkaas waxaana ay ehelkiisa xaqiijiyeen xilli hore oo maalinta sabtida ah in uu dhintay Allaha U Naxariistee Xasan Cawaale Ceynaan.

Si kastaba ha ahaatee madaxtooyada Soomaaliland ayaa ka tacsiyadeysa geeridaas naxdinta leh ee ku timid xildhibaankaas oo kamid ah kuwa ugu xasaannadda badan maamulkaas.