Kow iyo Labaatan Oktoobar Maalintaan kufneen Jabnay

Kow iyo Labaatan Oktoobar

Maalintaan kufneen Jabnay

Kow iyo Labaatan Oktoobar
Kacaan baaski na Kalwiyey

Kow iyo Labaatan Oktoobar
Kadeed aduun nagula riday

Kow iyo Labaatan Oktoobar
Kud iyo Kaar nagu dhacay

Kow iyo Labaatan Oktoobar
Karti nin lahaa la Gowracay

Kow iyo Labaatan Oktoobar
Kiyuuga raashin loo galay

Kow iyo Labaatan Oktoobar
Kawaan dhiiga naloo furay

Kow iyo Labaatan Oktoobar
Kalaankii ilaah la caasiyey

Kow iyo Labaatan Oktoobar
Kitaabki buug laga dooriyey

Kow iyo Labaatan Oktoobar
Karaani wasiir ka adkaaday

Kow iyo Labaatan Oktoobar
Dable Janan ka xoog badshay

Kow iyo Labaatan Oktoobar
Koombo badara la heeybiyey

Kow iyo Labaatan Oktoobar
Kooraha Qabiilka loo xiray

Kow iyo Labaatan Oktoobar
Kaadida Shacabki lagu celshay

Kow iyo Labaatan Oktoobar
Kumi nin lahaa la xaalufay

Kow iyo Labaatan Oktoobar
goofafkii Xamar la Kulundiyey

Kow iyo Labaatan Oktoobar
Kaaraha nagula Bariiqjiyey

Kow iyo Labaatan Oktoobar
Kurbada maanta na heysiyo

Kow iyo Labaatan Oktoobar
Kaarka aan naga ba’eeynin

Kow iyo Labaatan Oktoobar
waxa Umadaan Kala geeyey

Kow iyo Labaatan Oktoobar
Kow ayadaan u eed qabnaa

 

Xuseen Madoobe