Isticmaalka Kunka shillin ee Magaalada Balad Weyne oo Joogsaday iyo Maamulka oo ka hadlay.

Magaalada Balad weyne waxaa Dabyaaqadkii bishii June mar Hakad galay isticmaalka kunka shillin Soomaaliga oo ka haray lacagihii dalka laga isticmaali jiray.
Sababaha joojiyey qaadashada Kunka shillin ayaa dhowr waxyaabod lagu sababeeyey, waxaana kamid ahaa in ay joojiyeen Xarakada Al-Shabaab, iyo in  Lacago cusub ay Magaaladaasi Gashay.
Afar bil kadib Waxaa dib ugu bilawday Magaaalada Balad weyne Diidmada Kunka Shillin, waxayna sheegayaan dad ku sugan Magaalada Balad weyne in diidmada lacagta ay ka daran tahay tii afar bilood kahor.
Sababta ayaa ah Xiligaas waxay Diidmada ka bilaabatay lacagaha cusub ee la sheego in lagu Daabaco Deegaanada Maamulka Puntland, waxaa Maanta la diidayaa Guud ahaan Qaadashada Kunka Shillin.
Qiimaha Galaaska Biyaha ama Koobka Shaah ayaa lagu cabayaa lacag Doollar oo jajab ahaan loo isticmaalayo, Tusaale: Koobka Shaaha waxaa lagu cabayaa $0.01 (Hal Senti) oo Dhiganta 3,000sh.so ah.
Gudoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada Shiikh Xuseen Cismaan Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa Ganacstada ugu baaqay in aysan jabin Heshiiskii Maamulka iyo Ganacsatada u dhaxeeyey ee ahaa in aanan la diidin qaadashada lacag soomaaliga.
Shiikh Xuseen ayaa sheegay in aysan u dulqaadan karin in dadka danta yar ay u gaajoodaan lacago ay heestaan oo la diido isticmaalkeeda, ganacsatada ayuu ka dalbaday in ay qaataan Lacagta, kahor inta aysan tilaabo qaadin sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale waxa uu sheegay in ay dhaqan galinayaan Heshiiskii ay wada gaareen Ganacsatada iyo Maamulka, isagoona intaa raaciyey in Heshiiska dhankooda uu ka buray, maadaama ay dib usoo nooleeyeen diidmada lacagta sida uu sheegay.
Saameynta ugu badan Diidmada Kunka Shillin Soomaaliga ee Magaalada Balad weyne waxa ay ku yeelatay dadka danta yar, gaar ahaan Dadka Muruq maalka ah oo lacagaha lagu siiyo Shillin Soomaaliga, Dadka Dawarsado iyo Baalashlayaasha ama Caseeyaasha.