FIIRSO: Alla bari lagu qabtay isgoyska Zoobe, Salaadii Jimcaha kadib?

Boqolaal qof oo ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta salaadii Jimcaha kadib waxa ay isugu yimaadeen Isgoyska Zoobe oo 14-kii bishan uu ka dhacay Qarax aan nuuciisa horey loo arag.
Dadweynaha halkaasi isugu yimid ayaa Tukaday laba rakac oo Salaada janaasada ah, kadib Sheekh Cabdi Xayi oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed, ayaa la hadlay dadweynaha goobta yimid.
Sheekh Cabdi Xayi ayaa dadka halkaasi yimid u jeediyay khudbad ku saabsan sida ay u wanaagsan tahay in la ilaaliyo dhiigga qofka Muslimka ah, isaga oo sidoo kale u duceeyay dadkii ku dhintay Qaraxii Zoobe, iyada oo dadka ay ka daba ajiibayeen.
Dadweynaha maanta isugu yimid Isgoyska Zoobe ayaa ajiibayay baaqii Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta, oo ahaa in Jimcaha Zoobe la isugu yimaado, si loogu duceeyo dadkii la laayay 14-kii bishan.
PHOTOS:- Cali Aadan Muumin
Dadweyn4 640x480
Dadweyn4 640×480
Dadweyne 1
Dadweyne 1
Dadweyne 2 640x480
Dadweyne 2 640×480
Dadweyne 3 640x480
Dadweyne 3 640×480

Sheekh Xayi 768x432
Sheekh Xayi 768×432