DEG DEG:-Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax nooca gaariga lagu xiro ayaa caawa ka dhaca agagaarka Maqaayadda caanka ah ee Karmel ee degmada Hodan gobolka Benaadir.

Gaari Saruf ayaa ku qarxay albaabka hore ee maqaayaddaas sida ay sheegayaan qaar kamid ah goobjoogayaal goobta ka ag dhawaa.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in laba qofood oo uu kujiro wadihii gaarigaas uu ku geeriyooday, lama se hubo khasaaraha kale ee uu geeystay qaraxan.

Saacado kahor ayeey ahayd markii ay masuulliyiinta ugu sarreysa dawladda soo laabeen tacsiyadii qaran ee loosameynayay qaar kamid ah dadkii ku waxyeeloobay dhacdadii musuubada ahayd ee Zooppe kadhacday todobaadkan.