Madaxweynaha Hirshabelle oo Guddoomiye cusub u magacaabay Balcad

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii hore ee degmada Balcad waxaana uu u magacaabay mid cusub.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ee Magaalada Jowhar ayaa lagu sheegay in xilkii Guddoomiyaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe laga qaaday Cismaan Maxamed Xaadoole loona magacaabay Qaasim Cali  Nuur Furdug.
Guddoomiyaha hadda xilka laga qaaday waxaa bilo ka hor xilkaas u magacaabay Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble.
Sidoo kale Madaxweyne Waare waxaa uu shalay xilka ka qaaday Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan,isaga oo magacaabay mid kale.
Qaasim Cali  Nuur Furdug  ayaa horey usoo noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Somalia, ka dib markii lagu badalay booskii uu ka geeriyooday  walaalkiisa.
Qaasin Furdug waa shaqsi dhalinyaro  ah inkasto aan lagu amaanin waxqabad intu xil haayay iyadoo ,sidoo kalane Qaasin lagu eedeyay in uu ka qeyb ahaay dagaal Beeledyo ku dhex maray  Beelo walaalo ah gobalka shabeellaha dhexe.
22519224 1722960888012351 656186000775513667 N
22519224 1722960888012351 656186000775513667 N