Baarlamaanka Hirshabeelle oo Waare u kordhiyay waqtiga uu ku soo dhisayo Wasiirada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta oo Khamiis ah soo xiray Kalfadhigii labaad ee Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.
Hoggaamiyaha Hirshabeelle ayaa inta uusan soo xirin kalfadhiga labaad wuxuu Baarlamaanka siiyay warbixin la xiriirta kulamo uu Muqdisho kula soo qaatay Madaxda Dowladda iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dhismaha Ciidamo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle uu yeesho, waxaana uu sheegay muhiim in ay tahay in la helo Ciidamo Qaran.
Waare ayaa ugu dambeyn Baarlamaanka ka codsaday in mudo bil ah ay siiyaan mudada uu ku soo dhisayo Golaha Wasiirada, gacan taag kadib xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ansixiyay.