Sawirro:-Hormuud Foundation Oo Mar 2aad Deeq Lacageed Gaarsiisay Bukaanada Ku Jira Isbitaalada Muqdisho.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom qeybteeda Gargaarka Hormuud Foundation ayaa maalintii 2aad deeq Lacageed  ugu qebiyay qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdsisho Bukaanada ku jira kuwaas oo ay ka mid yihiin dad wax ku noqday weerarkii Sabtidii ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Isbitaalada Deeqdaan Lacageed ay ka qeybisay Hay’adda Hormuud Foundation ayaa waxaa ka mid Isbitaalada Soomaali Suudaanees,Shaafi iyo Daarul Shifaa ee Magaalada Muqdisho.
Bukaanada ayaa  Hormuud Foundation Midkiiba waxa ay guddoonsiisay 100 dollar oo kaash ah iyadoo aan loo eegeyn Haddii uu ku soo dhaawacmay qaraxii dhawaan iyo hadii uu yahay Bukaan horay ugu jiray Isbitaalka.
Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Hormuud Foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi oo Warbaahinta uga warbixiyay deeqahaasi Lacageed oo labo maalin oo xiriir ah ay u qeybinayeen Bukaanadaasi Soomaaliyeed ayaa sheegay in Hormuud ay uga golleedahay sidii dhammaan Bulsho weynta Soomaaliyeed uga dayan lahaayeen in walaalahooda dhibaateysan ay garab istaagaan.
Hormuud ayaa deeqdeeda Lacageed hal ku dhig uga dhigtay sida Magaceeda uu u yahay Hormuud in ay dooneyso in ay Hormuud ka noqoto Caawinaada Dadka Tabaaleysan si Bulsha weynta Soomaaliyeed ay uga daydaan Camalkaas wanaagsan islamarkaana loo garab istaago Dadka danyarta ah.
Img 0492
Img 0492
Img 0489
Img 0489
Img 0456
Img 0456
Img 0430
Img 0430
Img 0346
Img 0346
Img 0326
Img 0326
Img 0251
Img 0251
Img 0245
Img 0245
Img 0126
Img 0126

Img 0088
Img 0088