Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Oo Magaca Ka Baddalay Goobtii Musiibada Ka Dhacday Ee Zoobbe

Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Thaabit Cabdi ayaa caawa ugu magac daray isgooyska Zoobbe 14-October maadaama ay tahay maalintii ay dad badan ku waxyeeloobeen dhacdadii xanuunka badneyd ee sabtii halkaas ka dhacday.

Thaabit oo horkacayay dibad baxayaal kusoo banaan baxay garoonka kubbadda cagta ee Koonis ayaa soo gaaray Zoobbe gaar ahaan halkii ay ka dhacda musiibada ayaa sheegay in si aan usoo xasuusano dadkii ku dhintay in magaca isgooyskan loo baddalo magacaas cusub sidoo kalena sannad kasta la xusuusto.

Waa markii ugu horreysay ee uu guddoomiye magac ka baddalo waddo ku taalla magaalada Muqdisho muddo kaddib, waxaana ay noqon doontaa mid kamid ah waxyaabaha lagu xasuusan doono guddoomiye Thaabit Cabdi.

Waxaa jiray ololayaal kala duwan oo baraha bulshada laga waday kaas oo ahaa in magaca laga baddalo Zoobbe oo loo bixiyo 14-October, waxaana ay u muuqataa in guddoomiyaha uu qaatay talo soojeedintii dhallinyarada baraha bulshada.