Eex Iyo Ayaan Darro; “Maxaan Soomaaliya Ula Qaybsan Waynay Murugada?” (Faallo Dareenka Dhaqaajineysa)

Inkabadan 300- qofood ayaa ku waxyeeloobay, markii qarax aad u xooggan lagu dhuftay isgooys dadku ku badan yahay oo ku yaalla magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho maalintii Sabtida ahayd.

Weerarkan ayaa loo asteeyay in uu ahaa kii ugu khasaaraha badan ee dalkaas soomaray; saddex maalin oo baroordiiq ah ayaa soo idlaatay, dhibbanayaal kor u dhaafaya 300- ayaa ku dhaawacmay iyagan, kuwa kale ayaa weli la la’yahay oo raacdadooda lagu jiraa, isbitaallada ayaa raadinaya dhiig, carada dadkuna waa ay sii karaar qaadaneysaa.

Balse Baraha bulshada dadka isticmaala qaarkood ayaa iswayddiinaya “Halkee ka baxday dhaleeceyntii wadajirka ahayd”

Weerarka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli hal todobaad ay kasoo wareegatay weerar toogasho khasaaro badan geystay oo ka dhacay magaalada Las Vegas, hayeeshee wuu ka qayli iyo buun buunis badnaa dhacdadii banii aadamka badan ay ku waxyeeloobeen ee Muqdisho.

“Dunida cadaalad darro ku saleysan: baraha bulshada waxa ay arki karaan 276 qofood oo ku geeriyootay Somalia, balse ma sameynayno wax lamid ah wixii aan sameynay weerarkii Las Vegas” Waxaa soo dhigay Twitter kiisa Eke Van Victor.

The world is unfair, Social media can attest to that. 276 died in Somalia and we aren’t doing the same thing we did when it was Las Vegas

“Waxa aan la murugooneynaa Soomaaliya. 276 dhimasho ah, iyo 300 oo dhaawac ah. waxa aan qirreynaa in illinteena ay badanaa ku jaango’an tahay reer galbeedka. na saamaxa, nabad ayaan idin rejeynaynaa wakhti badan” Eugene Cho

“Waxaad Tahay sida burburiye oo kale, marka dad badan ay naftooda ku weynayaan Soomaalia, kolka loo barbar dhigo sidaan ahayn weerarkii Vegas.” Stacey Dooley soo saari bernaamij oo katirsan warbaahinta UK

Qaar kamid ah dadka ayaa ka walaacsan sida aysan saxaafadda qaar u baahin ama ay u yareed warbaahinta galbeedka iyo falgalkooda dhacdadan.

Khaled Beydoun oo professor caan ah ayaa hoosta ka calaameeyay in # (Hashtag) ga dadkii ku dhintay Soomaaliya ay toban jibbaar ka badneyd dadkii ku waxyeeloobay dhacdadii Manchester ee May, balse tan ay boqol jibbaar ay dareentay tebin yari dadka loo sheegayo musiibadan”

The # of people killed in Somalia yesterday was 10x more than the # killed in Manchester in May (230 to 22)

But it got 100x less coverage

Itayi Viriri oo ah afhayeenka ururka qaxootiga caalamiga ayaa su’aal ka keenay sababta weerarkii Soomaaliya uusan saameyn iyo raad ugu yeelan baraha bulshada, kuwaas aallaa soo qori jiray wararka iyo murugada weerarrada ayna muujin jireen sida ay u garab istaagayaan dhibbanayaashooda”

Clint Smith oo ah arday PhD ka diyaarinaya jaamacadda Harvard ayaa kusoo qoray Twitter kiisa “Malleey oo haddii 250 iyo waxkabadan ay uga dhiman lahaayeen gaari qarax lagu xiray,  midkood Mareykan ka, Ingiriiska ama Faransiiska, taas oo ah waxa hadda ka dhacay Soomaaliya, waxa ay door bidi lahaayeen Baroor diiqaan oo u murugoodaan”

Imagine if 250+ ppl in the US or UK or France were killed in a truck bomb. That’s what just happened in Somalia. They deserve to be mourned.

“Inkabadan 200 oo qofood ayaa ku geeriyootay weerar Soomaaliya ka dhacay. ma jiro hadal heyn dhanka Twitterka ah iyo wejiga hore ee mawduucyada wararka adduunka, waxa ay caddeyn u tahay taas in adduunka lagu hago awood siyaasadeed, ee aysan ahayn Banii Aadamino” Jilaaga caanka ah ee reer Pakistan Hamza Ali Abbasi

More than 200 killed in a blast in Somalia, no twitter trends/headlines, proof tht world is governed only by power politics not by humanity.

Qaar kamid ah dadkii aragtidooda dhiibtay ayaa sheegay in dunida maanta la daryeello marka qofka cad uun uu waxyeeloobo/

“Tusaalle fiican ayeey u tahay sida uu caalamka ugu midoobo keliya marka uu dhinto qofka cadka” waxaa sidaa yiri qof Twitter ka kusoo gala @lex_looper.

“500+ khasaaro, reer Galbeedku wuxuu daneeyaa weerarrada argigixiso ee lagu qaado dadka caddaanka, balse waa ay aamusaan marka qof aan iyaga ahayn uu waxyeeloobo, #Mogadishu #Somalia,” waxaa yiri @InvictaVis.

Qoraalkan waxaa iskaleh TV-ga Aljazeera qaybtiisa English-ka waxaa se soo tarjumay Cabdiwahaab Axmed Cali.

Haddii Aad Doonto qoraalka Asalka ahi hoos guji si aad u hesho.

http://www.aljazeera.com/news/2017/10/double-standards-aren-somalia-171016105300793.html