DEG DEG:-Xildhibaan Caawa Lagu Dilay Gudaha Magaalada Kismaayo

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta  Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa halkaasi lagu dilay Xildhibaan ka tirsan  Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

Kooxo Hubeysan ayaa xildhibaanka oo lagu Magacaabi jiray C/xakiin Jaamac Cilmi (Tima-faras) ku dishay Xaafada Calaley ee Magalada Kismaayo sida ay Dalsan u sheegeen dadka degaanka qaarkood.

Kooxdii ka dambeysay dilka Xildhibaanka ayaa goobta ka baxsatay, waxana hadda baaritaano ka wada Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa haddii uu rabbi idmo.

Xigasho Radio Dalsan