DEG DEG:- Mid Kamid Ah Xildhibaannada Ugu Saameynta Badnaa DFS Oo Geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa dalka India ku geeriyooday xalayto Xildhibaan Bootaan Ciise Caalim kaas oo kamid ah xildhibaannada aqalka hoose ee dawladda Soomaaliya.

AUN marxuumka ayaa beryihii lasoo dhaafay xanuun badan dareemayay, waxaana ay middaas keentay in loo qaado dalka dibaddiisa.
Muddo uu kusugnaa ayaa xalayto waxa ay qoyskiisa xaqiijiyeen in Bootaan dunida ka tagay oo uu geeriyooday.
Weli dawladda Soomaaliya kama tacsiyadeen geerida Bootaan Ciise, balse waxaa la filayaa in aas qaran Muqdisho loogu sameeyo dhawaan.
Xildhibaanka ayaa kasoo galay dhanka iyo Galmudug, waxaana lagu tiriyaa mid kamid ah kuwa ugu hadal karsan golaha baarlamaanka SOomaaliya.
Waxa aan idin soo gudbin doonaa taariikhda xildhibaanka oo kamid ahaa hoggaamiye kooxeedkii dalka Soo maamulay xilli.