Dowladda Mareykanka ayaa Somaliya u soo dirtay diyaarad Militari oo sida daawooyin gargaar caafimaad ah si loogu caawiyo shacabka Somaliyeed ee waxyeelo ay kasoo gaartay qaraxii sabtidii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.
Diyaaradaan oo ah kuwa Malatariga ayaa barqanamadii maanta soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana laga dejinayaa gurmadka dawooyinka ah ee Bulshada Somaliyed ay ugu talo galeen.
Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya ayaa ku sugan Garoonka Aadan Cadde, kuwaasi oo u jooga sidii ay ula wareegi lahaayeen gurmadka dawooyinka ah ee Dowladda Mareykanka ay keentay Somaliya.
Waa Dowladdii seddexaad ee kasoo Jawaabta Baaqii Dowladda Soomaliya ee ku aadan in loosoo gurmado dadkii ku dhaawacmay qaraxii sabtidii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho kaasi oo dilay in ka badan 300 oo ruux.





