FIIRSO: Diyaaraddii Turkiga soo diray oo qaadday qaarka mid ah dhaawacyada?

Magaalada Muqdisho waxaa maanta laga qaaday qaar ka mid ah dhaawacyada halista ah ee ku waxyeelloobay Qarahii sabtigii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Diyaarad ay soo dirtay dowladda Turkiga oo ay la socdaan Wasiirka caafimaadka Turkiga, 27 Qof oo shaqaale Caafimaad oo dhaqaatiir,Kalkaaliyayaal iyo shaqaale kale isugu jira ayaa saaka soo caga dhigatay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Diyaaradda ayaa la saaray dhaawacyada dad gaaraya 40 Qof oo loo qaadayo Dalka Turkiga sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow.
Sidoo kale dowladda Turkiga waxaa la filayaa in ay soo dirto diyaarado kale oo dhaawacyada qaada, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in Waddamada deriska ah sida Jabuuti,Itoobiya iyo Kenya ay diyaarado soo dirayaan.
Dhaawacyada hadda laga qaaday Aadan Cadde waxaa sii sagootay Mas’uuliyiin ay ka midyihiin Ra’isalwasaare Xasna Cali Kheyre iyo ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed.
Dhaawac1 768x576
Dhaawac1 768×576
Dhaawac2 768x576
Dhaawac2 768×576
Dhaawac3 768x576
Dhaawac3 768×576
Dhaawac4 768x576
Dhaawac4 768×576
Dhaawac5 768x576
Dhaawac5 768×576
Dhaawac6 768x576
Dhaawac6 768×576
Dhaawac7 768x432
Dhaawac7 768×432
Dhaawac8 768x432
Dhaawac8 768×432

Dhaawac 768x576
Dhaawac 768×576