DEG DEG:- Mid Kamid Ah Dhaawacyadii Turkiga Loo Waday Oo Garoonka Diyaaradaha Ku Geeriyooday

Dawladda Turkiga ayaa minxo caafimaad u fidiyay dhaawacyadii dhawaan ku waxyeeloobay weerarkii ka dhacay isgooyska Zoobbe ee magaalada Muqdisho.

Horaan ayeey ahayd markii uu yimid wasiirka caafimaadka ee dalkaas, kaas oo qayb ka ahaa wefdiga la socday diyaarado qaas ah oo uu Turkiga u soo diray Soomaaliya.

Ku dhawaad 40-qofood ayaa loo qaaday dhankaa iyo Dalka Turkiga, bals mid kamid ah dadkii la qorsheynayay in ay kamid noqdaan liiska ayaa geeriyooday iyada oo aan weli aysan diyaaraddu duullin.

Shakhsiyaadka la qaaday waxaa kamid ah Cabdicasiis Ok kaas oo kamid ahaa weriyayaasha Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay qaraxaas.

Dib ayaan idinkala socod siin doonaa haddii uu rabbi qaddaro magaca shakhsigii ku geeriyooday garoonka kahor inta aan loo qaadin Turkiga.