Xildhibaaan Abuukaate:-“Waxaan Mar Marsiyo Loo Heli Karin Fashilka Hay’adaha Amniga”,

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa ka hadlay qaraxii xooganaa ee shalay ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda muqdisho

Xildhibaanka waxa uu sheegay in qaraxaas uu ka dhacay meel ay joogeen Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya islamarkaana uu muujinayo fashilka hay’adaha amniga Dowladda Soomaliya.

“Ugu horeen waxaan U tacsiyadeenayaa dhamaan Muslimiinta aan waxba galabsan ee ku dhintay allaha u naxariisto Inta dhawaacantayna allaha shaafiyo, waaa nasiib daro aad u xun in anagoo ogsoon in wadooyinka iyo jidcadayaacasha magaalada ee u xiranyihiin Hay’adaha Amniga oo dhib badan ku qabaan dadka shicibka ah Hadana in Amnigii la sheegaye in wadooyinkaas xiran Gaari Qarax ah uusoo gudbo waa wax aan la qaadan karin Masuuliyada maanta dhacdayna waxaa leh Hay’adaha Amniga iyo oo dayacay howshii loo idmay waana la isla xisaabtamaya,mana suuragaleeso in la dhaho waa baareena iyo waa daba soconaa Mana deeqdo Tacsi aan wax kasoo baxayo laheyn shacabkeena waa ka daaleen,runti sidaaa xal ma ahan ee waa isbadal lasameeya.”, ayuu yiri Xildhibaanada Maxamuud Abuukaate.

In ka badan 60-ruux oo shacab ahaa ayaa ku dhintay 190-kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari xamuul siday uu ku qarxay isgoyska Zoobe ee Magaaladda muqdisho.