Kheyrre oo magacaabay Guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Dadkii ku dhamaaday Qaraxii Muqdisho?

Xasan Cali Kheyrre Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa goor-dhaw magacaabay Guddi ka kooban Wasiiro, Culumo, xubno ka tirsan Qeybaha Bulshada kuwaas oo loogu magac daray Guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta kuwaas oo qiimeyn doona Xaaladda musiibada ah ee ka dhacday Muqdisho iyo inta uu gaarsiisan yahay dhimashada iyo dhaawaca.

Sidoo kale guddigaan ayaa qiimeynaya sida ay ukala daran yihiin Dhaawacyada kuwaas oo loo sameyn doono Gurmad deg deg ah.

Muuqaalka Guud ee magaalada muqdisho ayaa ah Jawi Colaadeed waxaana marba marka ka danbeysa sii kordhaya khasaaraha dhimashada iyo Dhaawaca.