FIIRSO Sawirada Banaanbax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa galabta banaan bax aad u balaaran ay kasoo qeyb galeen boqolaal qof oo ka kala yimid Degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Fagaaraha Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere.

Banaan baxan ayaa ahaa mid looga soo horjeeday qaraxii dadka badan ku dhamaadeen ee shalay galab ka dhacay Isgooska Zope ee magaalada Muqdisho, waxa ayna Shacabku muujinayeen sida ay uga xun yihiin mashaqadii dhacday.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo lagu eedeeyay in weerarkan ka dambeeyeen, waxaana shacabka wajiyadooda laga dheehanayay carada ay ka qaadeen dadkii macnadarada shalay lagu laayay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale ayaa la hadlay boqolaalka shacabka ah ee galabta banaan baxa isugu soo baxay, waxa ayna ugu baaqeen masuuliyiintii hadashay shacabka in ay taageeraan Ciidamada dowlada si looga adkaado waxa ay ugu yeereen argagaxisada.
Qaraxiii shalay galab ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa kii ugu xoog badnaa ee caasimada ka dhaca mar qurana ay ku dhintaan dad ka badan 100-qof, waxaana wali isbitaalada yaala meydad iyo dhaawacyo badan oo wax ku noqday qaraxii shalay dhacay.

22497459 1405481292883699 566863434 N
22497459 1405481292883699 566863434 N
22497503 1405484276216734 410350323 N
22497503 1405484276216734 410350323 N
22497739 1405481209550374 1208359310 N
22497739 1405481209550374 1208359310 N
22497795 1405480506217111 1286181231 N
22497795 1405480506217111 1286181231 N
22500770 1405484182883410 1682863546 N
22500770 1405484182883410 1682863546 N
22500920 1405484192883409 642314282 N
22500920 1405484192883409 642314282 N
22500951 1405484066216755 1143512678 N
22500951 1405484066216755 1143512678 N
22501046 1405484262883402 1616742433 N
22501046 1405484262883402 1616742433 N
22501130 1405480999550395 744491951 N
22501130 1405480999550395 744491951 N
22523857 1405480579550437 634518509 N
22523857 1405480579550437 634518509 N
22537912 1405484099550085 1270278970 N
22537912 1405484099550085 1270278970 N

22547473 1405480529550442 908487813 N
22547473 1405480529550442 908487813 N