Dowladda Turkiga maxay ka tiri Qaraxii Soobe?

Dowladda Turkiga ayaa war deg deg ah kasoo saartay Qaraxii shalay lagu hoobtay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Soobe.

War kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee ku taalla Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in uu ahaa Qaraxaasi mid aad looga naxo oo lagu xasuuqay Shacab oo aan waxba galabsan.

Dowladda Turkiga ayaa ugu baaqday Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dowladda.

Warka kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa loogu tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxii Soobe.

Waxaa sidoo kale warka lagu sheegay in xukuumadda Turkiga ay ka go’an tahay garab istaagga Soomaaliya.

Hadalka kasoo baxay Turkiga ayaa imaanaya iyadoo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya  uu ku dhawaaqay 3 maalmood oo baroordiiq qaran ah oo loo sameynayo dadkii wax ku noqday qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Zobe.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale amray in hoos loo dhigo calanka Soomaaliya.

Qaraxii shalay ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa kii ugu saameynta badnaa ee ka dhaca Muqdisho.