Waa Halkee Goobta Rasmiga Ah Ee La Weeraray?

Waxaa daqiiqado kahor ka dhacay magaalada Muqdisho qarax aad u xooggan kaas oo ka dhacay inta u dhaxeysa wasaaradda waxbarashada iyo hiddaha tacliinta sare iyo isgoyska Zoobbe ee Muqdisho.

Sidoo kale gaariga qarxay ayaa la sheegay in uu bartilmaameed la’aan ahaan sida dadka goobjoogayaasha ah ay sheegayaan, waxaana uu ku qarxay meel iska caadi ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaa hadda weli socda xabbad hal dhinac ah kaas oo ay ridayaan ciidanka amaanka, wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idinka kala soo socodsiin doonaa haddii uu rabbi idmo.