Kooxda Alshabaab Oo Xukun Ku Fulisay Wiil La Sheegay In Uu Zinneystay

Kooxda Alshabaab ayaa warbaahinta afkooda ku hadashay ku baahisay habeenkii Jimcaha ahaa in qaybo kamid ah gobolka Hiiraan ay kooxdaas ka fuliyeen xad.

Deegaanka Mukeyle ee gobolka Hiiraan ayaa Jimcihii waxaa iskugu soo baxay boqolaal qofood oo iskugu jiray rag iyo dumar kuwaas oo usoo daawasho tagay xad gaar ahaan Karbaash lagu sameynayay wiil dhallinyaro ah oo lagu sheegay in uu Zinneystay.

Aadam Muxamed Mucalim Mukhtaar oo Ku Magacdheer Aadam Boorow ayaa lagu fuliyay xukun garaacid Zino, kaddib markii uu qirtay sida ay sheegeen wadaaddada kooxdaas ee halkaas kusugnaa qaladkii uu galay.

Maadaama Uu San Guur Soo Marin Aadan Boorow Maxkamadu Waxay Ku Xukuntey Boqol garbaash Dadka Hortooda in Loogu Dhufto Sida Islaamku Qabto iyo in Uu Bixiyo Mahru Muxsin Oo Ah Qaalin Geel ah Oo 3 Jir Ah iyo Qiimihii Bikaarada Uu Jebiyey Oo Ah Qurbac Sadax Jir Ah Waxaana intaas Loo Raaciyey Mudo Sanad Ah In Deegaanka Laga Musaafuriyo; sida ay soo daliilsadeen kooxda Alshabaab ee xukunkaas fulinneysay.

Xukunkan ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan kooxda Alshabaab ee heysata deegaanka Buqa-Qable ay fuliyeen xukun Qisaas (Dil Toogasho) ah. waxaana isa soo taraya xukunnada aan la hubsan ee kooxdaas ay sameynayso.