Halkee Buu Ku Dambeeyaa Kiiskii Qalbi Dhagax (Arrin Cusub Oo kasoo Korodhay)

Warar hadda soo baxaya ayaa sheegaya in guddigii horaan loo xilsaaray arrinta Qalbi Dhagax muddo bil ah loogu daray kaddib markii la sheegay in baaritaanka uu ku dheeraaday.

10-kii bishan oo ku aaddaneyd maalintii Talaadada ayeey ahayd markii ay ugu ekeyd wakhtii bisha ahaa ee la siiyay horaan sidii ay wax uga soo saari lahaayeen kiiska Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax.

Guddigaan ayaa la magacaabay 18-kii bishii September, waxaana xilligaas lagu balamay inay 10 Bishaan soo gudbiyaan warbixin rasmi ah.

Wararka soo baxayo ayaa sheegayo inay lagama maarmaan noqotay in waqti kordhin loo sameeyo, waxaana arrintaas xaqiijiyey qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.